πŸ›‘ Sida Layskaga Ilaaliyo Website-yada Been Abuurka ah

This image has an empty alt attribute; its file name is WhatsApp-Image-2025-07-12-at-09.57.42_dab10b86.jpg

This image has an empty alt attribute; its file name is WhatsApp-Image-2025-07-12-at-09.57.42_dab10b86.jpg

πŸ›‘ Sida Layskaga Ilaaliyo Website-yada Been Abuurka ah

Tusaale: http://tech2.com (Haddii uu yahay website been abuur ah)

1️⃣ Ha Gujin Link aanad Kalsooni Ku Qabin

  • Website-yada been abuurka ah sida marar badan waxaa lagu soo diraa:
    • Email
    • SMS
    • WhatsApp / Facebook / Telegram

β†’ Talo: Haddii link la kuu soo diro laguna yiraahdo “Guji si aad u hesho lacag, shaqo, ama abaalmarin” β€” iska ilaali.

2️⃣ Fiiri URL-ka si Feejigan

  • URL-ka been abuurka ah wuu la ekaan karaa website dhab ah laakiin:
    • Waxaa laga beddelaa hal xaraf: muraadtch.com halkii ay ka ahaan lahayd muraadtech.com
    • Ama waxa lagu daraa xarfo dheeraad ah: secure-muraadtch.com-login.net

β†’ Talo: Geli magaca website-ka Google oo ka raadso official link-giisa.

3️⃣ Hubi HTTPS iyo Qufulka πŸ”’

  • Fake websites qaarkood ma isticmaalaan HTTPS, taasoo ka dhigaysa inaysan ammaan ahayn.
  • Laakiin xitaa haddii uu leeyahay πŸ”’, taasi ma dammaanad qaadayso inuu yahay website sax ah.

β†’ Talo: Ha ku kalsoonan qufulka oo kaliya β€” fiiri magaca domain-ka iyo sharcinimada shirkadda.

4️⃣ Isticmaal Tools lagu hubiyo Website-ka

β†’ Tusaale: Geli https://muraadtch.com oo hubi in lagu xusay khatar.

5️⃣ Ha Gashan Password, Macluumaad Bangi, ama Xog Xasaasi ah

  • Fake websites waxay ku daydaan inay kaa helaan:
    • Password-kaaga
    • Account-kaaga bangiga
    • Aqoonsigaaga shaqsiyeed

β†’ Talo: Haddii website-ku kugu weydiiyo xog xasaasi ah – ha galin haddii aanad 100% hubin.

6️⃣ Adeegso Antivirus iyo Browser-ka Ilaaliya

  • Ku rakib antivirus ama browser extension kaa digaya websites-ka khatarta ah:
    • Bitdefender TrafficLight
    • Malwarebytes Browser Guard
    • Avast Online Security

7️⃣ Ka Fogow Xayeysiin Khiyaano Ah

  • Website-yada waxay isticmaali karaan xayeysiis been ah sida:
    • “Hel $100 hadda!”
    • “Shaqo deg-deg ah oo online ah!”
    • “Geli lambarkaaga si aad lacag u hesho!”

β†’ Talo: Xayeysiiska u eg mid “too good to be true” β€” inta badan waa khiyaano.

βœ… Gunaanad:

Website kasta oo aanad aqoon, ha gelin xogtaada ilaa aad hubto:

  • URL sax ah
  • HTTPS & quful
  • Nadiifnimada naqshadda
  • Wixii reviews ama digniin laga bixiyay