π Sida Layskaga Ilaaliyo Website-yada Been Abuurka ah


π Sida Layskaga Ilaaliyo Website-yada Been Abuurka ah
Tusaale: http://tech2.com
(Haddii uu yahay website been abuur ah)
1οΈβ£ Ha Gujin Link aanad Kalsooni Ku Qabin
- Website-yada been abuurka ah sida marar badan waxaa lagu soo diraa:
- SMS
- WhatsApp / Facebook / Telegram
β Talo: Haddii link la kuu soo diro laguna yiraahdo “Guji si aad u hesho lacag, shaqo, ama abaalmarin” β iska ilaali.
2οΈβ£ Fiiri URL-ka si Feejigan
- URL-ka been abuurka ah wuu la ekaan karaa website dhab ah laakiin:
- Waxaa laga beddelaa hal xaraf:
muraadtch.com
halkii ay ka ahaan lahaydmuraadtech.com
- Ama waxa lagu daraa xarfo dheeraad ah:
secure-muraadtch.com-login.net
- Waxaa laga beddelaa hal xaraf:
β Talo: Geli magaca website-ka Google oo ka raadso official link-giisa.
3οΈβ£ Hubi HTTPS iyo Qufulka π
- Fake websites qaarkood ma isticmaalaan HTTPS, taasoo ka dhigaysa inaysan ammaan ahayn.
- Laakiin xitaa haddii uu leeyahay π, taasi ma dammaanad qaadayso inuu yahay website sax ah.
β Talo: Ha ku kalsoonan qufulka oo kaliya β fiiri magaca domain-ka iyo sharcinimada shirkadda.
4οΈβ£ Isticmaal Tools lagu hubiyo Website-ka
- Ka fiiri website-ka haddii uu yahay halis adoo adeegsanaya tools-kan:
β Tusaale: Geli https://muraadtch.com
oo hubi in lagu xusay khatar.
5οΈβ£ Ha Gashan Password, Macluumaad Bangi, ama Xog Xasaasi ah
- Fake websites waxay ku daydaan inay kaa helaan:
- Password-kaaga
- Account-kaaga bangiga
- Aqoonsigaaga shaqsiyeed
β Talo: Haddii website-ku kugu weydiiyo xog xasaasi ah β ha galin haddii aanad 100% hubin.
6οΈβ£ Adeegso Antivirus iyo Browser-ka Ilaaliya
- Ku rakib antivirus ama browser extension kaa digaya websites-ka khatarta ah:
- Bitdefender TrafficLight
- Malwarebytes Browser Guard
- Avast Online Security
7οΈβ£ Ka Fogow Xayeysiin Khiyaano Ah
- Website-yada waxay isticmaali karaan xayeysiis been ah sida:
- “Hel $100 hadda!”
- “Shaqo deg-deg ah oo online ah!”
- “Geli lambarkaaga si aad lacag u hesho!”
β Talo: Xayeysiiska u eg mid “too good to be true” β inta badan waa khiyaano.
β Gunaanad:
Website kasta oo aanad aqoon, ha gelin xogtaada ilaa aad hubto:
- URL sax ah
- HTTPS & quful
- Nadiifnimada naqshadda
- Wixii reviews ama digniin laga bixiyay